Friday, September 21st, 2018

DHAGEYSO:Sababtii Ciidamada Mareykanka Ay u Weerareen Guriga Aadan Cadde oo La ogaaday!!

Published on September 13, 2018 by   ·   No Comments

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee dhowaan weerarka ku qaaday guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ee degmada Janaale, ayaa sidaas sameeyey kadib markii la siiyey warbixin sirdoon oo qaldan, sida saraakiil Soomaali ah ay sheegeen.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa ajnabiga ayaa guriga Aadan Cadde weeraray xilli saq-dhexe ah 4-tii bishan, waxayna kala baxeen saddex wiil oo da’doodu u dhaxeyso 15 illaa 20, sida ay sheegeen qoyska madaxweynihii hore. Halka ay jiraan saddexda wiil ayaan ilaaa hadda la ogeyn.

Sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa howlgalkan ayaa yiri “Waxaa nala siiyey warbixin sirdoon oo been abuur ahayd ka hor weerarka guriga Aadan Cadde, iyada ayaana ku dhaqaaqnay.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Culays Intee la’eeg ayeey Dowladda Farmaajo kala kulmi kartaa Ahmed Madoobe iyo Abdiwali Gaas?

September, 20, 2018
Warbaahinta Xushmo Ayaa Diyaarisay Warbixin Xasaasi ah oo Ka Hadleeso Culays Intee la’eeg ayeey dowladda Farmaajo kala kulmi ...

Mooshin loogu yeerayo Xasan Cali Kheyre oo loo Gudbiyay Gudoonka Golaha Shacabka?

September, 20, 2018
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa saxiixay mooshin loogu yeerayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si ...

DHAGEYSO:Nin Muqdisho Lagu Dilay Kadibna La Gubey?

September, 20, 2018
Ninka oo ka soo jeeda beesha Jareerweyne ayaa waxaa mudo saddex bilood ka hor uu gabar u doonay ...




.