Wednesday, October 17th, 2018

DHAGEYSO:Maxaa keenay in Al-Shabaab ay u Hanjabaan Dalladaha Waxbarashada Soomaaliya?

Published on October 7, 2018 by   ·   No Comments

Al-shabaab ayaa soo saaray Digniin ku socota Daladda Waxbarashadda Soomaaliya waxayna Sheegeen in ay talaabo ka qaadi doonaan Daladii ku dhagi adeegto la shaqaynta Dowlada Faderalka ah ee Soomaaliya.

Warbaahinta Al-shabaab ayaa baahiyay Cod laga duubay Afhayeenka guud ee Al-shabab Sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere oo hadalkiisa ku soo qaaday Digniintiisa Daladaha waxbarashadda oo uu sheegay in ay bixiyaan manaahij Ubadka lagu barayo Afkaar Islaamka ka  soo horjeedda.

Cali dheere waxaa uu sheegay in ay Al-shabaab ay ka warqabaan Tilaabooyin ay qaadeen Daladaha Waxrashadda ee ku yaala Mudqisho, wuxuuna hadalkiisa kusoo qaaday in ay tilaabo ka qaadi doonaan ciddii aan digniinta u hogaansamin.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa waxaa uu soo  hadal qaaday Manhajka cusub ee dhawaan Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in laga dhigayo Dugsiyadda oo ay diyaarintiisa ka qayb qaadatay Hay’adda QM u qaabilan Waxbarashadda iyo Dhaqanka ee UNESCO.

Comments (0)




Wararka

Wax Badan ka Ogow Habkii loo Dilay Wariye Jamaal Khashoggi iyo Fashilka Sacuudiga !!

October, 16, 2018
Booliska Turkiga ayaa ku tuhunsan Guriga uu degan yahay Qunsulka Mohamed Alcuteybi oo dhow Qunsuliyadda Sacuudiga in lagu ...

Guri ku yaala Muqdisho oo lagu qabtay mid ka mida kooxdii Dishay Axmed Dowlo

October, 16, 2018
War goordhaweyd soo gaaray xafiiska warqabadka gundhig.com ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay mid ka mida kooxdii dishay ...

DHAGEYSO:Wax badan ka Ogow Habkii loo dilay Wariye Jamaal Khashoggi iyo Fashilka Sacuudiga !!

October, 16, 2018
Waxaa weli socda baaritaanka qaabkii uu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi, oo hadda in la dilay shaki ...




.