Wednesday, November 14th, 2018

DHAGEYSO:Shaqa La’aanta Dhallinyarada Sweden oo Aad Hoos ugu Dhacday?

Published on July 11, 2018 by   ·   No Comments

Shaqa la’aanta dhallinyarada ee dalkan Sweden ayaa aad hoos ugu dhacday iyadoo gaartay heerkii ay joogtey markii ay dhacaysay qaaquulladii dhaqaale ee 2008-dii, sida ka muuqata tirakoob cusub oo ay samaysay hay’adda shaqaalaynta fududaysa ee Arbetsförmedlingen.

Bishii Maajo waxay shaqa la’aanta dhallinyaradu ka hooseeysey 8.2%, iyadoo bishii Juun ahayd 8.6%, sida ka muuqata hay’addan heerka qaran ee shaqada u qaabilsan Sweden.

Waa heerkii ugu hooseeyay ee ay boqollaydaasi gaarto tan iyo ka hor xasaraddii dhaqaale ee galbeedka ku dhufatay Juun 2008, goortaasoo ay muddo sanad ah laba laabantay shaqa la’aanta dhallinyaradu.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Maxaa Ka Jira In Korontada Laga Goostay Wasaarado Ka Tirsan Dowladda Farmaajo!

November, 14, 2018
In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, ...

DHAGEYSO:Maxaa ka Cusub Maanta Doorashadda Madaxtinimadda Koonfur Galbeed?

November, 14, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan ...

DHAGEYSO:Maxaa Ka Jira In Korontada Laga Goostay Wasaarado Ka Tirsan Xukuumadda Somalia?

November, 14, 2018
In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, ...




.