Friday, November 16th, 2018

DHAGEYSO XOG : Xasan Sheekh oo kulan la leh Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beeshiisa?

Published on September 12, 2018 by   ·   No Comments

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado igu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaanada Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka, Wasiiro, Odayaasha iyo Waxgaradka Beeshiisa.

Kulankan ayaa ah mid kala warqaadasho looga hadlayo xaalada dalka, waxaana xubnaha goobjooga ah ka mid ah Wasiirka Amniga Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiir Kuxigeenka Dekadaha Cusmaan Daallo, Xildhibaano iyo Senatarada Beesha Mudullood ku matala Baarlamaanka Labada Aqal.

Ilo ku dhow dhow kulanka ayaa sheegaya in xaaladaha looga hadlayo ay ka mid tahay siyaasadda dalka iyo deegaanada Beesha degto oo inta badan gacanta ugu jirto Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka ka jira.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Farmaajo Oo Shaaciyay Markii Ugu Horeysay Faragelinta Itoobiya Ku Heysay Soomaaliya?

November, 14, 2018
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shaaciyay ina 30-Sanno kahor fargelin lagu haayay Soomaaliya sigaar ah ay ...

DHAGEYSO:UN-ka oo Kashifay Sir Ku Saabsan Meesha Lagu iibiyo Hubka Villa Somalia!!

November, 14, 2018
Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo ...

DHAGEYSO:Maxaa Ka Jira In Korontada Laga Goostay Wasaarado Ka Tirsan Dowladda Farmaajo!

November, 14, 2018
In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, ...




.