Wednesday, December 12th, 2018

DHAGEYSO:Xog Cusub oo laga Helay Suxufigii Lagu Dilay Turkiga iyo Sirdoonka Maraykanka oo War ka Soo Saaray?

Published on October 10, 2018 by   ·   No Comments

Waxaa sii kordhaya xogaha ku wareegsan qoraaga caanka ahaa ee dalka Sacuudiga Jamal Khashogi oo lagu waayey markii uu 2-dii bishan Oktoobar galay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbuul iyadoo saxaafadda Turkigu shaacisay warar cusub oo ku saabsan kiiska baaritaankiisu socdo.

Sacuudiga oo ogolaaday in saraakiisha Turkiga ah ay baaraan Qunsuliyadda Istanbul ayaan weli bixin ogolaanshaha baaritaanka Guriga Qunsulka oo tuhunku saaran yahay, waxayna Turkiga ku adkeysanayaan in baaritanka labada xarun uu mar qura wada dhaco.

Sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay iney qabteen wadahadal dhex maraya mas’uuliyiin Sacuudi ah oo ku saabsan in la soo xiro qoraaga Jamaal Khashog sida uu qoray Wargeyska Washignton Post.

Dhinaca kale, Gabadha u doonneyd suxufiga reer Sacuudi ee la waayey ayaa sheegtay inuu qabay cabsi ah inuu halis ku sugan yahay, hase yeeshee uusan ka wel-welin in dhismaha qunsuliyadda dhib lagu gaarsiin karay.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Sidee Ayuu Guddoomiye Mursal u Dhabar Jebiyey Heshiiskii uu la Galay Farmaajo iyo Khayre..?

December, 11, 2018
Todobo bilood ayaa laga joogaa markii guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya loo doortay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, waxaana xilligaas aad loogu ...

DHAGEYSO:Gaadiidka Xildhibaanada oo Laga Mamnuucay Villa Soomaaliya!

December, 10, 2018
Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Dr. Aamnia Siciid Cali ayaa soo saartay qoraal lagu cadeeyay Hay’adaha Gawaaridooda loo ogol yahay iyo ...

DHAGEYSO:Farmaajo iyo Kheyre oo Qorshe Cusub la Yimid Kadib Go’aankii Mursal !!

December, 10, 2018
Madaxweynaha Dalka Somalia Maxamed Farmaajo iyo iyo Raisul Wasaaraha Ugu Waqtga Dheer  Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow ...




.