Wednesday, November 14th, 2018

DHAGEYSO:Xasan Cali Khayre “Annaga Waa Na La Aamini Waayay” Waa Maxay Sababta?

Published on November 8, 2018 by   ·   No Comments

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho Xasan Cali ayaa ka hadlay mowqifka xukuumaddiisa ee khilaafka dowladaha Khaliijka.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay gaartay go’aan la mid ah mowqifyo ay qaateen dowlado badan oo uu ka carrab dhabay dowladaha dariska, Ingariiska iyo Faransiiska.

Maxaa kamid ah saameynta khilaafka Khaliijka?

Saameynta, uu yeeshay khilaafkaasi waxaa kamid ah kala qeybsanaan soo kala dhex gashay dowladda iyo dowladaha xubnaha ka ah ee gobollada kuwaasoo illaa maanta khilaaf soo jiitamaya uu ka dhaxeeyo walina aan loo helin xal.

Waxaa sidoo kale saameynta kamid ah in xiriirka Villa Somalia ay la leedahay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga uu meeshii u hooseysay gaaray, tusaale in horraantii sanadkani 2018-ka bishii April dhacdadii garoonka diyaaradaha lagu xayiray lacag ay wateen Diblumaasiyiin ka tirsan xukuumadda Abu Dubai taas aad uga carreysiisay Imaaraadka iyo saaxiibadiis gobolka.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA:     

           

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Maxaa Ka Jira In Korontada Laga Goostay Wasaarado Ka Tirsan Dowladda Farmaajo!

November, 14, 2018
In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, ...

DHAGEYSO:Maxaa ka Cusub Maanta Doorashadda Madaxtinimadda Koonfur Galbeed?

November, 14, 2018
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan ...

DHAGEYSO:Maxaa Ka Jira In Korontada Laga Goostay Wasaarado Ka Tirsan Xukuumadda Somalia?

November, 14, 2018
In ka badan 7 wasaarad oo ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalmo koronto la’aan ah, ...




.