Saturday, February 16th, 2019

DHAGEYSO:Magacyada Dadkii ku Dhintay Weerarkii Gaalkacyo +Taariikhda Sheekh Cabdi Weli !

Published on November 27, 2018 by   ·   No Comments

Warbaahinta Xushmo waxaa u suurogashay inay hesho magacyada qaar dadkii shalay ku dhintay weerarkii lagu qaaday xarun Sh. Cabdiwali Sh. Cali Cilmi Yare uu ku lahaa magaalada Galkaacyo halkaaso ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ku sugnaa xarunta.

Cabdi Naafac sh Kulli sh Caalam oo kamid ahaa dadkii ka badbaaday weerarka ayaa BBC-da u sheegay in hadda uu ku sugan yahay xaruntii lagu qaaday weerarka isla markaasna uu dhaawac yahay.

Wuxuu sheegay in qaar kamid ahaa dadkii ku sugnaa xarunta ay dhinteen.

“Xarunta waxaa joogay ku dhawaad 130 qof markii weerarka lagu soo qaadayay” ayuu yiri Cabdi Naafac.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa kamid ah:

Shiikh CabdiWeli Shiikh Cali Cilmi Yare wadaadkii xarunta lahaa ee la weeraray.

Farxaan Garyare Cali: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

Suudi Cabdi Kulane: Wuxuu ahaa ciidanka ilaalda xaruunta.

Ceynaanshe Shikh: Wuxuu kamid ahaa dadkii qasaa’idka qaada jiray wuxuu sidoo kale garaaci jiray qalabka.

Maxamed Qaliif Axmed: Qasaai’dka ayuu qaadi jiray.

Sayad Bakar Shiikh Cabdi:Wuxuu ahaa sawir qaade ka tirsan xirta.

Cabdi Mahad Cali Abshir: Durbaanka ayuu garaaci Jiray xiliyada loo baahdo.

Dumarka Ku dhintay qaraxa

Waxay isugu jireen kuwo u adeega Shiikha Iyo kuwa qasiidooyinka wax Ka Qaadi Jiray.

Nasra Sh.Cabdulwali shiikh Cali

Xamdi xasan Sh.Axmed

Xaawo cabdi Kulane

Bilsan Shiikh

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO KASHIFAAD: Maxaa ka jira in Farmaajo iyo Kheyre ay Qorsheynayaan Muddo Kororsi?

February, 16, 2019
Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadda uu ...

DHAGEYSO XOG CUSUB: Axmed Madoobe oo Wada hadal kula jira Villa Somalia iyo Fahad Yaasiin oo….

February, 16, 2019
Wada-hadallo u dhaxeeyay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa ka socda magaalada Nairobi. Wada-hadalladan ayaa waxaa billowgooda ka ...

DHAGEYSO XOG CUSUB: Kheyre oo Cadaadis kala Kulmaya Ra’iisul wasaarayaal hore oo Xilal doon a

February, 16, 2019
Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa sheegeysa in isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ...




.