Tuesday, March 19th, 2019

DHAGEYSO: Kooxda Shabaab oo Soo Bandhigtay Magaca iyo Beesha uu kasoo jeedo Ninkii isku Qarxiyay Wariye Cawil Daahir Salaad?

Published on December 31, 2018 by   ·   No Comments

Al Shabaab ayaa muddo todobaad ah kadib shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay afaafka hore ee tiyaatarka qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Jamaal Jeylaani Nuur Cadow, kaasi oo muddo badan kamid ahaa Al Shabaab.

Baraha Al Shabaab ee lagu faafiyo wararkooda ayaa lagu sheegay in Jamaal Jeylaani uu kasoo jeeda Beesha Murusade uuna kasii yahay jufada Habar Ceyne, waxaana da’diisa lagu sheegay 23 sano jir.

22-dii Bishaan sii dhamaaneyso ee December ayuu qaraxaasi ka dhacay Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux oo uu ku jiray wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaale kale oo ka tirsan TV-Universal.

Comments (0)




Wararka

DAAWO: BBC oo Ka Shiftay Dowladdii Ugu Horeysay ee iibisay Badda Soomaaliya ?

March, 19, 2019

C/waaxid Jabriil Afrax Isagoo Aroos ah Ayaa Lagu Dilay Muqdisho!

March, 18, 2019
Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee shalay waxa uu Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ...

Uganda: Xukunka Museveni oo la gaarsiinayo 40 sano

March, 18, 2019
Xubnaha baarlamanka ugu jira xisbiga haya talada dalka Uganda ayaa taageeray isku day uu madaxweyne Yoweri Museveni ku ...




.