Saturday, January 19th, 2019

DHAGEYSO:Waxii Sababay Dabka ka Kacay Suuqa Bakaaraha oo La Ogaaday iyo…?

Published on January 11, 2019 by   ·   No Comments

Xalay saqdii dhexe ayaa lagu guuleystay in la damiyo dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku faafay meelo badan oo suuqa kamid ah.

Dabka oo bilowday abaaro 09:20 pm xiliga Muqdisho ayaa la damiyay 12:00 am saqdii dhexe, iyadoo gaadiidka dab damiska ee gobolka iyo kuwa shirkadaha gaarka ah ay ka qeyb qaateen daminta dabka.

Wuxuu ka bilowday dabka qeybta Suuqa Huudheyda, waxaana uu markii dambe  gaaray qeybta maacuunta iyo qeybta hilibka ariga lagu iibiyo ee Suuqa Bakaaraha, sida ganacsatada ay sheegeen.

Hanti badan ayaa dabka ku bas beeshay, waxaana markii dambe laga hortagay inuu ku faafo qeybo kale oo Suuqa kamid ah, kadib dadaal dheer oo la sameeyay.

Wararka dheeriga ah ee soo baxaya ayaa sheegaya in dabka uu ka bilowday koronto, sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baaritaanka ku aadan waxyaabaha soo celceliyay in suuqa weyn ee Bakaaraha uu dab ka kaco, waxaana dababkii ugu dambeeyay ay kabilowdeen Koronto.

Ganacsato badan ayaa hantidooda kala baxay xalay Suuqa, iyaga oo ka baqayay in dabka uu gaaro goobahooda ganacsiga, waxaana dabkii xalay uu dhulka dhigay guryo badan, iyadoo hanti badan oo wali aan la tiro koobin ay ku baaba’day.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO: Dowladda Turkiga oo ku Dhawaaqay Go’aan Siweyn uga Farxiyay Somalia Kadib Markii.. ??

January, 18, 2019
Soomaaliya ayaa mar kale balan qaad xoogan ka heshay dowlada turkiga oo ka mida wadamada siweyn u garab ...

DHAGEYSO:Xog Dheeraad Ah Oo Ku Saabsan Xasuuqa Askarta Itoobiya.

January, 18, 2019
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya lagu gaarsiiyay weerar dhabba gal ah oo ...

DHAGEYSO:Magacyadda Raggii Fuliyay Weerarkii Nairobi oo la Shaaciyay??

January, 18, 2019
Ciidanka Booliska dalka Kenya ayaa shaaciyay qaar ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii Talaadadii lagu qaaday dhismaha ...




.