Sunday, April 21st, 2019

DHAGEYSO:Al-Shabaab oo soo badhigay muuqaallada dilal ay ka geysteen Muqdisho iyo qaraxyo qorshaysan

Published on February 9, 2019 by   ·   No Comments

 Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalada dilal qorsheysan oo ay ka geysteen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo geystay saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda.

Muuqaalka oo soconaya muddo 11 daqiiqo ah ayaa waxaa ku jira qaraxyo qorsheysan oo Al Shabaab ay sheegeen inay ka geysteen gobolada kala duwan ee dalka iyo gobolka NFD ama waqooyi bari Kenya.

Ruuxa ugu horeeya ee kasoo muuqanaya muuqaalka ayay magaciisa ku sheegeen Maxamed Cabdi Cilmi oo kamid ahaa waaxda dambi baarista ee CID sida ay Al Shabaab sheegeen.

Ruuxa labaad ayaa lagu sheegay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu dilay ex Control Afgooye, waxaana ku xigay Cali Maxamed Cabdi oo la sheegay inuu ahaa xildhibaan hore iyo Daahir Iidow oo ka tirsanaa dowladda Hoose ee Muqdisho.

Muuqaalka waxaa kamuuqday qaraxyo meel fog laga duubay oo Al Shabaab ay ka dambeeyay, waxaana lala eeganayay ciidamada AMISOM ee ku sugan dalka.

Comments (0)




Wararka

DAAWO Sirta Kooxda Shabaab iyo Qeyb Cusub 1991-2019

April, 20, 2019

DHAGEYSO:Cumar al-Bashiir,oo Gurigiisa Laga Helay Malaayiin Doolar ?

April, 20, 2019
Dacwad oogaha dalka Suudaan ayaa waxa uu bilaabay baaritaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar ...

Farmaajo oo Waqti Kororsi Sameenayo iyo Beelo Badan oo ka Hor imaaday

April, 20, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, Madaxweyne Farmaajo ayaa ...




.