Sunday, April 21st, 2019

Farmaajo iyo Kheyre oo Kulan Saacado badan qaatay ka yeeshay Isku Shaandheynta Wasiiradda

Published on February 13, 2019 by   ·   No Comments

Xog gaara oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay kulan gaar ah xalay ka yeesheen isku shaandheynta lagu sameynayo Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo xaqiijiyay in kulanka si weyn loogu falanqeeyay tabashooyin ay qabaan qaar ka mid ah Beelaha waa weyn oo dacwad u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo saluugsan qorshaha uu wado Ra’isiul wasaare Kheyre.

Ujeedada Xilal ka qaadistan ayaa lagu sheegay in Madaxda dalka ay kaga go’leeyihiin inay isbedelo badan ku sameeyaan qaar ka mid ah Wasaaraddaha oo hormaro la taaban karo aan sameyn iyo qaarkood oo eedeymo badan loo jeediyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn kaga carooday dhaliilo badan oo loo jeediyay Hay’addaha Dowlada qaarkood wuxuu Ra’iisul wasaarihiisa ka dalbaday in Xukuumadda isbedelo lagu sameeyo wasiiradda qaar.

Kheyre ayaa laga yaabaa inuu fursado badan siiyo Xildhibaano ku jira Golaha Shacabka oo qaarkood mucaarad ku ah Dowlada Federaalka, waxaana Wasiiradda Xilalkooda weyn kara ka mid noqon kara Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Dastuurka Cabdi raxmaan Xoosh Jabriil, Wasiirka arrimaha Dibada iyo Wasiiro kale.

Comments (0)




Wararka

DAAWO Sirta Kooxda Shabaab iyo Qeyb Cusub 1991-2019

April, 20, 2019

DHAGEYSO:Cumar al-Bashiir,oo Gurigiisa Laga Helay Malaayiin Doolar ?

April, 20, 2019
Dacwad oogaha dalka Suudaan ayaa waxa uu bilaabay baaritaan uu ku sameynayo madaxweynaha xilka laga tuuray ee Cumar ...

Farmaajo oo Waqti Kororsi Sameenayo iyo Beelo Badan oo ka Hor imaaday

April, 20, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wado qorshe uu ku doonayo inuu waqti kororsi ku sameysto, Madaxweyne Farmaajo ayaa ...




.