Sunday, May 26th, 2019

Kepa oo u faanay Caballero, waxaana suuro gal ah in Keydka la dhigo kulanka caawa ee Tottenham

Published on February 27, 2019 by   ·   No Comments

Kepa ayaa keydka lagu cabi karaa kulanka caawa ay Chelsea ku wajihi doonto Tottenham tartanka Premier League.

Goolhayaha reer Spain ayaa amar diido cad sameeyay Final kii Caraboa Cup kaddib markii uu diiday badel loo taagay isagoona dhammeystay ciyaarta, waxaana taa dheer in Kepa uu Willy Caballero ugu faanay inuu ka fiican yahay isla markaana uu yahay Goolhayaha koowaad ee kooxda.

Kooxda ayaa shalay ku ganaaxday in laga jaro hal usbuuc oo mushaarkiisa ah.

Yeelkeede, waxaa suuro gal ah in keydka loo dhaa dhiciyo kulanka caawa ee Spurs.

“Waxay noqon doontaa go’aan u fiican kooxda, ciyaartoyda kale iyo dhammaan ciyaartoyda,” Sarri ayaa sidaa yiri.

“Waa inuu diyaar noqdo Kepa, qalad ayuu sameeyay, qalad wayn, waxaa jiri doona cawaaqib.

“Haddii ay cawaaqibta noqoto inuu ciyaaro, waa inuu diyaar u noqdo inuu ciyaaro, haddii ay noqotana in keydka la dhigo, waa inuu diyaar u noqdo inuu keydka fariisto.”.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO Xasan Shiikh Maxamuud ” Beesha Habar-Gidir iyo Galmudug Helis Ayaa Ku Soo Wajahan!!

May, 25, 2019
War-saxafadeed kasoo baxay xibsiga ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu saluugsan yahay doorka taban ee dowladda Federaalka ku ...

DHAGEYSO: Askari Xildhibaan Ilaalo u ah oo Mooto Bajaajle ku Dilay Muqdisho?

May, 25, 2019
Maamulka degmada Xamar Weyne oo kaashanaya Saldhiga booliska degmada ayaa gacanta ku dhigay askari bajaajle ku dilay Afar ...

XOG:Ujeedada Safarka Farmaajo uu Ku Tagayo Sacuudiga ?

May, 25, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Koonfur Africa ayaa la filayaa inuu dhawaan u amba ...




.