Saturday, March 23rd, 2019

Cristiano Ronaldo oo furaya xarun Timaha loogu abuuro dadka Bidaarta leh iyo Gacalisadiisa oo…

Published on February 27, 2019 by   ·   No Comments

Xidigga kooxda Juventus iyo xulka Bortuqiiska Cristiano Ronaldo ayaa xarun aad loo qalabeeyay oo malaayiin dollarna ay ku baxday oo dadka bidaarta leh loogu abuurayo Timo ayaa waxa uu ka furanayaa magaallada Madrid ee caasimadda Spain.

Muddo dheer ayaa la sheegayaa in Ronaldo ay qorshaha ugu jirtay in uu xarun nuucaan oo kale ah furo, iyadoo xaruntan uu madax uga dhigi doono saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.

Xaruntan ayaa xarigga laga jari doonaa 18 bisha soo socota ee Maarso, waxaana warbixintu sheegeysaa in ay ka shaqeyn doonaan 150 qofood oo ku takhasusay howlaha tima abuuridda, iyadoo halkaana lagu diyaariyay 18 qol oo markiiba 18 qofood timaha loogu abuuri karo.

Qiimaha aad xarunta cusub ee Cristiano Ronaldo timaha uga abuuran karto ayaa ku kacaya 4;600 oo dollar.

Warbixin uu soo saaray CR7 ayaa waxa uu yiri “marka laga soo tago kubadda cagta, waxaan xiiseeyaa caafimaadka, Tiknoolojiga iyo daraasadaha, waana meelaha aan doonayay in aan maal gashado”.

Comments (0)




Wararka

Xasan Cali Kheyre oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdsiho ?

March, 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ...

DHAGEYSO:Sidee Ayaa Loo Fuliyey 5-tii Qarax ee Muqdisho ka dhacay?

March, 23, 2019
Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo ...

DAAWO Biloowgii Dagaalka Argagixisada Ee Somalia? 2006-2019

March, 22, 2019




.