Sunday, May 26th, 2019

Kooxaha Chelsea, Liverpool, Man City iyo Man United oo gaaray guulo muhiim ah

Published on February 27, 2019 by   ·   No Comments

Kulankii xiisaha badnaa ee kooxaha Chelsea iyo Tottenham ayaa soo idlaaday waxa uuna kualnkaas ku dhamaaday 2-0 oo ay guushu ku raacday kooxda Bules .

Labada koox oo isku magaalo ah ayaa kuwada ciyaaray garoonka kooxda Bules , ciyaarta ayaana qeebteeda koowaad ku soo dhamaatay bareejo 0-0 .

Balse qeebtii dambe ee ciyaarta kooxda Bules ayaa ala timid goolka koowaad ee ciyarta waxaana u dhaliyey laacibka reer Spain ee Pedro.

Tottenham ayaa ku hungowday in ay iska soo guudaan goolka deenta balse waxaaba dhacday in iyaga ay iska dhaliyaan gool waaxana gool kam ah iska dhaliyeye daafcooda lagu magacaabo Kieran Trippier

Dhinaca kale Kooxda Liverpool ayaa ku bar baratay kooxda Watford kaddib markii ay kaga adkaadeen shan gool iyo waxba .

Liverpool ayaa sii xajisatay booskeeda koowaad ee horyaalka waxa ayna hal dhibac kaga hogaamineysaa kooxda Man city .

Liverpool goolasha shanta ah waxa ay ka kala heshay xidigiheeda kala ah Mane iyo Virgil Van Dijk oo dhaliyey min labo gool halka goolka kale uu dhaliyey Divock Origi.

Si la mid ah Kooxda Man City ayaa gool madi ah kaga adkaatay kooxda West Ham ciyaar ka dhcaday garoonkooda waxa ayna gool qura ay kaga mahad celinayaan xidigooda Sergio Aguero.
Gooolka Sergio Aguero ayaa ah mid rigoore waxa uuna dhaliyey daqiiqadii 59-aad ee qeebtii dambe ee ciyaarta .
Citay ayaa tartan kula jirta kooxda Liverpool oo guul weyn ka gaartay kooxda Watford waxana u dhexeeya farqi hal dhibic ah .

kooxda Manchester United ayaa dhankeeda guul ka gaartay kooxda Crystal Palace kulan katirsan horyaalka Premier League waxa uuna kulan ciyaareedkaas ku soo dhamaaday 3-1
xidiga xooga weyn ee Romelu Lukaku ayaa kooxdiisa u keenay labo gool kulanka waxaana goolka sedexaad dhaliyey kabtankooda Ashley young , balse goolka qura ee ay heshay kooxda Crystal waxa ay ka heleen Joel Ward.

Xigasho Gool FM.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO Xasan Shiikh Maxamuud ” Beesha Habar-Gidir iyo Galmudug Helis Ayaa Ku Soo Wajahan!!

May, 25, 2019
War-saxafadeed kasoo baxay xibsiga ayaa lagu sheegay in Xisbiga uu saluugsan yahay doorka taban ee dowladda Federaalka ku ...

DHAGEYSO: Askari Xildhibaan Ilaalo u ah oo Mooto Bajaajle ku Dilay Muqdisho?

May, 25, 2019
Maamulka degmada Xamar Weyne oo kaashanaya Saldhiga booliska degmada ayaa gacanta ku dhigay askari bajaajle ku dilay Afar ...

XOG:Ujeedada Safarka Farmaajo uu Ku Tagayo Sacuudiga ?

May, 25, 2019
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Koonfur Africa ayaa la filayaa inuu dhawaan u amba ...




.