Saturday, March 23rd, 2019

DHAGEYSO:Museveni oo Mar kale ka Dhawaajiyay Hadalo Gaf ku Ah Soomaaliya?

Published on March 9, 2019 by   ·   No Comments

Yoweri Museveni, ayaa mar kale goob fagaare ah kaga dhawaajiyay hadal gaf ku ah magaca Soomaaliya, waxa uuna  dalka iyo dadka Soomaaliya usoo qaatay tusaale xun.

Yoweri Museveni ayaa Soomaaliya ku tilmaamay meel aan laga xushmeyn dumarka laguna dhibaateeyo, waxa uuna askarta dalkiisa ee dhibaateeya Dumarka Uganda iyo kuwa aan anshaxa laheyn ugu baaqay in ay codsi soo qortaan si Soomaaliya loogu diro.

Madaxweynaha Uganda ayaa si weyn uga carooday askari Ugaandhees ah oo dharbaaxay haweeney u dhalatay dalkaasi, waxa uuna shaaciyay in sharci daro tahay in haweenka gacan loo qaado ama dhibaato la gaarsiiyo.

Waxa uu ugu baaqay Museveni askarta aanan dooneyn ku dhaqanka sharciga inay codsi soo qoraan si Soomaaliya loo geeyo, isaga oo tusaalaha u soo qaatay in Soomaaliya uusan ka jirin ku dhaqan sharci in iyo la xaqdhooro dumarka.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Uganda ayaa ah gaf kale uu u geestay dadka iyo dowlada Soomaaliya, waxa uuna horey u shaaciyay Madaxweynaha Uganda in Soomaaliya aysan ka jirin dowlad ,

Comments (0)




Wararka

Xasan Cali Kheyre oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdsiho ?

March, 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ...

DHAGEYSO:Sidee Ayaa Loo Fuliyey 5-tii Qarax ee Muqdisho ka dhacay?

March, 23, 2019
Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo ...

DAAWO Biloowgii Dagaalka Argagixisada Ee Somalia? 2006-2019

March, 22, 2019




.