Saturday, March 23rd, 2019

War Dagdag ah:Diyaarad ay Leedahay Ethiopian Airlines oo Burburtay ?

Published on March 10, 2019 by   ·   No Comments

Diyaarad ay leedahay Sharikadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines oo Sumadeedu ay ahayd Boeing 737 ahna nooca rakaabka qaada ayaa burburtay xilli ay u kala gooshaysay magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Sida ay sheegen masuuliyiinta sharikadda Ethiopian Airlines,Diyaaraddan ayaa la rumaysan yahay in ay saarnaayeen 149 rakaab ah iyo sideed kamid ah shaqaalaha diyaaradda.

Afhayeen ayaa sheegay in diyaaraddu ay burburtay maanta oo Axad ah markay saacaddu ahayd 8:44, wax yar kadib markii ay kasoo duushay magaalada Addis Ababa.

Hadalkii ugu horreeyey ee burburka diyaaradda ayaa kasoo baxay Raaysul Wasaare Abiy Ahmed asagoo tacsida shilkaas ku qoray bartiisa Twitter-ka.

War qoraal ah ayay sharikadda diyaaraddaas waxay ku sheegtay in baadhitaanka iyo samatabixintu ay ka socdaan halkii ay diyaaraddu ku burburtay oo u dhow magaalada Bishoftu oo 60km Koonfur Bari ka xigta Addis Ababa.

Wali masoo bixin wax faahfaahin ah oo kasoo baxay tirada dadka ay waxyeelladu soo gaartay. Mana caddda waxa sababay burburka diyaaradda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay ” Shaqaalaha sharikadda Ethiopian Airlines ayaa loo diri doonaa goobta uu shilku ka dhacay, waxayna samayn doonaan wax kasta oo karaankood ah, si ay gacan uga gaystaan adeegyada dag dagga ah”

Comments (0)




Wararka

Xasan Cali Kheyre oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdsiho ?

March, 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ...

DHAGEYSO:Sidee Ayaa Loo Fuliyey 5-tii Qarax ee Muqdisho ka dhacay?

March, 23, 2019
Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo ...

DAAWO Biloowgii Dagaalka Argagixisada Ee Somalia? 2006-2019

March, 22, 2019




.