Thursday, May 23rd, 2019

DHAGEYSO:Yoweri Museveni oo Ku Hanjabay in Ciidamadiisa Kala Baxaayo Soomaliya?

Published on March 10, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa ka tirsan howgalka nabad ilaalinta Amisom uu kala baxayo dalka Somalia, haddii ay Qaramada Midoobay ku adkeysato yareynta tirada ciidamada Amisom ee ku sugan gudaha Somalia.

Madaxweynaha Uganda ayaa waxa uu sheegay inuu shaqsi ahaan QM ugu war geliyey in ciidamada Uganda ee gaaraya 6,400 oo askari uu kala baxayo haddii la xoojiyo go’aanka lagu yareynayo ciidamada Amisom.

Hadalka Museveni ayaa kusoo aadayo xilli madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu hore ugu hanjabay inuu ciidamiisa kala baxayo Somalia haddii lagu adkeysto go’aanka ah in 1,000 askari laga dhimo ciidamada Burundi ee ku sugan Somalia.

Uganda ayaa ah dalka ay ciidamada ugu badan ka joogaan Somalia waxaana hadda Somalia ku sugan 6,400 askari oo Ugandase ah.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Farmaajo oo Ka Jawaabtay Go’aanada Kenya!!

May, 22, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aanadii Kenya ay qaadanaysay mudooyinkii dambe. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ...

DHAGEYSO Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay”Horumarka Soomaaliya Halis Ayuu Wajahayaa” !

May, 21, 2019
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaynayso dhismaha dawladnimo oo ay shaqaynayso. Hase ...

DHAGEYSO: Go’aanka Jubbaland Oo Dhabar Jab Ku Ah Dowladda Farmaajo ??

May, 21, 2019
Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} ayaa sii damqiyey Boogtii la rajeenayey inay bogsato taas oo aheyd isku soo dhawaanshiyaha ...




.