Saturday, March 23rd, 2019

DHAGEYSO:Magacyada iyo Beelaha Ay Ka Soo kala Jeedaan Ragii ugu Dambeyay ee Muqdisho isku Qarxiyay?

Published on March 11, 2019 by   ·   No Comments

Al-shabaab ayaa shaaciyay wareysi laga qaaday Raggii weeraray Hotelka Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.Al-shabaab ayaa mid mid u sharraxay Magaca saddexan, da’diisa ,Qabiilkiisa iyo degaanka uu ku dhashay,waxaana ka mid ahaa;

DHAGEYSO:Magacyada iyo Beelaha Ay Ka Soo kala Jeedaan Ragii ugu Dambeyay ee Muqdisho isku Qarxiyay?

1-Siidoow Shariif Cabdulle, 30 jir,waxa uu ahaa qofka waday Gaariga 1aad ee Qaraxa sameeyay, waxaa uu ka dagaallami jiray gudaha Kenya kaddibna waxaa uu ku biiray qolada is qarxisa ee AL-shabab, waxaa uu ka dhashay Beesha Dabarre,waxaana uu ku dhashay Muddul Baraawe.

2-Cabdullahi Mukhtaar Mucallim, hoggaamiyaha kooxdii Hotelka weerartay,  24 jir ka dhashay Beesha Hadame,waxaa uu ku dhashay degaanka Rabdhuurre.

3-Aadan Macallin Caddoow. 30 jir, waxaa uu ahaa qofkii ugu dambeeyay ee dagaalka ku dhinta waxaana Al-shabaab ay sheegeen in markii la dili waayay lagu dumiyay Gurigii uu ku jiray, lama sheegin beeshiisa iyo meesha uu ku dhashay.

4-Nuur Maxamuud Cismaan, 18 jir,waxaa uu ka dhashay Beesha Eelaay,waxaa uu ka soo dagaallamay Mudug,waxaana kaddib uu ku biiray qolada is qarxisa ee Al-shabaab.

Comments (0)




Wararka

Xasan Cali Kheyre oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdsiho ?

March, 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ...

DHAGEYSO:Sidee Ayaa Loo Fuliyey 5-tii Qarax ee Muqdisho ka dhacay?

March, 23, 2019
Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo ...

DAAWO Biloowgii Dagaalka Argagixisada Ee Somalia? 2006-2019

March, 22, 2019




.