Thursday, May 23rd, 2019

Wararkii Ugu Dambeeyay Xiisada u Dhaxeysa Somaliland iyo Puntland ?

Published on March 13, 2019 by   ·   No Comments

Xiisad u dhaxeysa maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ka taagan deegaano katirsan gobolka Sanaag, waxaana labada maamul halkaasi geeyeen ciidamo badan oo laga cabsi qabo in ay isku dhacaan.

Maamulka Somaliland ayaa ciidano badan oo Milatari ah soo galisay deegaano katirsan gobolka Sanaag oo Puntland hoostaga, waxa ayna ciidamada durba la wareegeen deegaano ay kamid tahay Yubbe oo Puntland maamuleysay.

Ciidamo badan oo katirsan maamulka Puntland ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay iyana gaareen deegaano katirsan gobolka Sanaag gaar ahaan meelo aan ka fogeyn halka ay yimaadseen Ciidamada Somaliland.

Madaxtooyada maamulka Puntland qoraal shalay laga soo saaray ayaa lagu sheegay in uu ka dhamaaday dulqaadka ayna iska difaacayaan daandaansiga iyo weerarka uga imaanaya maamulka Somaliland.

Shacabka ku dhaqan deegaanada ay xiisadu ka jirto ayaa waxaa lasoo darsay cabsi xoogan, waxa ayan shacabku ka cabsi qabaan in ciidamada labada maamul ay korkooda ku dagaalalamaan.

Somaliland iyo Puntland ayaa marar badan waxaa dhax maray dagaalo xoogan oo salka ku hayay gacan ku heynta deegaano iyo degmooyin labada maamul isku heestaan, waxaana dagaaladii ugu dambeeyay ka dhaceen aaga Tukaraq ee gobolka Sool.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Farmaajo oo Ka Jawaabtay Go’aanada Kenya!!

May, 22, 2019
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aanadii Kenya ay qaadanaysay mudooyinkii dambe. Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ...

DHAGEYSO Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay”Horumarka Soomaaliya Halis Ayuu Wajahayaa” !

May, 21, 2019
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaynayso dhismaha dawladnimo oo ay shaqaynayso. Hase ...

DHAGEYSO: Go’aanka Jubbaland Oo Dhabar Jab Ku Ah Dowladda Farmaajo ??

May, 21, 2019
Axmed Maxamed Islaam {Madoobe} ayaa sii damqiyey Boogtii la rajeenayey inay bogsato taas oo aheyd isku soo dhawaanshiyaha ...




.