Saturday, March 23rd, 2019

DHAGEYSO:Booqashada Khayre uu ku Tagay Kismaayo oo farriin iyo Dharbaaxo Siyaasadeed u Dirtay…

Published on March 13, 2019 by   ·   No Comments

Kaddib diyaar-garow qaatay muddo toddobaad ah oo loogu jiray soo dhaweynta R,W Kheyre, maalintii shalay ayuu si rasmi ah uga degay magaalo-xeebeedka Kismaayo ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Booqashadiisa oo ahayd mid si weyn loogu qaadaa-dhigay baraha bulshada, waxay sidatay farriin ugub ah oo laga fahmi karay sida hab-maamuuska leh ee loogu soo dhaweeyey gudaha mid kamid ah maamul-goboleedyada ugu awoodda badan dalka.

Isaga oo ka hadlayay qaabilaadda R/W Kheyre, Madaxweynaha Jubbaland wuxuu booqashadiisa ku tilmaamay mid lama huraan ah oo albaab cusub u furaysa wada-shaqeyn qotodheer oo dhex marta dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Balse gef ma ahan in la yiraahdo booqashada Kheyre way ka gudo-ballaaran tahay kaliya in lagu koobo isku soo dhawaanshiyo iyo wada-shaqeyn?! Waxay sidoo kale iftiimin kartaa dun hoose oo isku xiraysa laba is-bahaysi oo mid kasta uu leeyahay ahdaaftiisa gaarka ah. Waana mid, sida dad badani qabaan, go’aaminaysa nuuca musharrax ee ugu cadcadaan kara doorashada soo aadan.

Comments (0)




Wararka

Xasan Cali Kheyre oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdsiho ?

March, 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ...

DHAGEYSO:Sidee Ayaa Loo Fuliyey 5-tii Qarax ee Muqdisho ka dhacay?

March, 23, 2019
Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo ...

DAAWO Biloowgii Dagaalka Argagixisada Ee Somalia? 2006-2019

March, 22, 2019




.