Saturday, March 23rd, 2019

DHAGEYSO:Muuse Biixi oo Shaaciyey Halka lagu Qabanayo Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland?

Published on March 14, 2019 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shaaciyey in 19-ka Bishaam Maarso dalka Chana lagu qaban doono wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo tiro ka dhwor jeer ah uu fashil ku yimid.

Waxa uu ku eedeeyey  Muuse Biixi in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhowr mar diiday wadahadalahaas oo uu sheegay in horay loogu qorsheeyey wadamada, Switzerland, turkiga, Sweden iyo Qatar, isal markaana ay eedeeda leedahay inay dib u dhacaan  dowlada inay dib u dhacaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in  ugu dambeyn la filayo in Bishaan 19-keeda la isugu tago dalka Chana si lo sameeyo Guddi labada dhinac ah,hayeeshee dowladda Soomaaliya weli dhankeeda kama hadlin warkaan kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliland.

Wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa hakad waxa ay galeen sanadkii 2015-ki, hayeeshee dowladda Soomaaliya ayaa dhowr mar shaacisay inay diyaar u tahay in ay dib u bilaawdaan wadahadaladaas.

Waxaa kaloo xusid mudan in Wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland ay dowladda Turkiga u Magacaawday Ergaygii hore ee u joogay Soomaaliya ee hore Olgan Bekir.

Comments (0)




Wararka

Xasan Cali Kheyre oo Ka Hadlay Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdsiho ?

March, 23, 2019
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa ka tacsiyeey Alla ha u naxariistee dadkii ...

DHAGEYSO:Sidee Ayaa Loo Fuliyey 5-tii Qarax ee Muqdisho ka dhacay?

March, 23, 2019
Shan qarax ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxyada koowaad iyo labaad ayaa lagu qaaday wasaaradda shaqada iyo ...

DAAWO Biloowgii Dagaalka Argagixisada Ee Somalia? 2006-2019

March, 22, 2019




.