Sunday, April 21st, 2019

Dowladda Uganda oo la baxday Ciidamadeedii ilaalinayay Madaxtooyada, Dekeda iyo Garoonka Muqdisho.

Published on April 16, 2019 by   ·   No Comments

Ciidamo ka socday Dalka Uganda ayaa isaga baxay Muqdisho,kuwaas oo dhameystay shaqadooda halka sano ahayd ee ay ka hayeen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxaa ay mas’uul ka ahaayeen Xarumaha ugu muhiimsan dalka sida Madaxtooyada,Baarlamaanka, Dekadda Muqdisho, Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo meelo kale oo ka mid ah Muqdisho.

Saraakiil ka socda Howlgalka AMISOM ayaa munaasibad sagootin ah ugu sameeyay Magaalada Muqdisho,waxaana la guddoonsiiyay billado sharaf ay ku muteysteen howsha ay ka hayeen Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee dalka ka baxay ayaa sidoo kale ku sugnaa Gobolka Shabeellaha hoose sida, Balli-doogle, Afgooye, Laanta Buuro, Arbacow, iyo Carbiska.

Waxaa lagu soo beddelay Guuto kale oo la wareegtay dhamaan howlihii Ciidamada ka baxay Soomaaliya, kuwaas oo laftooda todobaadkii hore soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha CiidankaUganda ee Soomaaliya Michael Kabango, ayaa aad u bogaadiyay Ciidamadaas oo uu sheegay in ay howl wanaagsan ka qabteen Soomaaliya si wanaagsanna u guteen shaqadooda.

Taliyaha Guutada ka baxday Soomaaliya Col. Jackson Kayanja ayaa sheegay in Guulaha guutadiisa ay gaartay ay ka mid tahay qabsashada Degaanka Sabiib ee Gobolka Shabeellaha hoose, sidoo kalena ay ka hortageen Qaraxweyn oo ay Al-shabaab ku diyaariyeen degaankaas.

Comments (0)




Wararka

Kheyre oo Beeniyay in Xukuumadiisa Awood u Adeegsato Mucaaradka!

April, 21, 2019
Raisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beeniyay in Xukuumadda madaxda uu ka yahay ay awood ...

Madax Goboleedyadda oo 2-Qodob Kala Hadlay Wakiilada Beesha Caalamka

April, 21, 2019
Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa kulamo xasaasi ah kawada Magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya. Madaxda ayaa ...

DAAWO Sirta Kooxda Shabaab iyo Qeyb Cusub 1991-2019

April, 20, 2019




.