Sunday, April 21st, 2019

Imaaraadka oo Soo Dhoweeyey Go’aanka Trump

Published on April 17, 2019 by   ·   No Comments

Imaaraadka Carabta ayaa tallaabo muhiim ah ku qeexay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu codka diidmada qayaxan ugu adeegsadan qaraar congress-ka Mareykanka uu ku amray in lasoo afjaro ku lug lahaanshaha Mareykanka ee dalka Yemen.

“Xaqiijinta madaxweyne Trump ee taageerada Isbahaysiga Carabta ee Yemen waa astaan wanaagsan oo muujinaysa taageerada Mareykanka ee ku wajahan isbaysigiisa Carabta” waxaa sidaas yiri wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Imaaraadka Anwar Gargash oo qoraal soo dhigay twitter.

“Go’aanka muhiimka ah ee Trump waa mid xeeladeed oo waqtigii loo baahnaa yimid” ayuu yiri Gargash oo dowladdiisa ay dagaalka Yemen xulufo kula tahay Sacuudiga.

Trump ayaa go’aanka congress-ka ay ku diideen dagaalka Yemen ku qeexay mid aan loo baahneyn oo ah isku day halis ah oo wiiqaya awoodihiisa dastuuriga, islamarkaana halis gelinaya nolosha askarta Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in qaraarka congress-ka uu dhaawacayo siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka iyo xiriirka Mareykanka uu la leeyahay dalalka kale.

Comments (0)




Wararka

Kheyre oo Beeniyay in Xukuumadiisa Awood u Adeegsato Mucaaradka!

April, 21, 2019
Raisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa beeniyay in Xukuumadda madaxda uu ka yahay ay awood ...

Madax Goboleedyadda oo 2-Qodob Kala Hadlay Wakiilada Beesha Caalamka

April, 21, 2019
Madaxweynayaasha Maamul goboleedyadda Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ayaa kulamo xasaasi ah kawada Magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya. Madaxda ayaa ...

DAAWO Sirta Kooxda Shabaab iyo Qeyb Cusub 1991-2019

April, 20, 2019




.