Tuesday, May 21st, 2019

Liverpool Oo Ku Dur-durisay Huddersfield Town ,Xasuuq Kubadeed Ayay U Geysteen Xilli Hogaanka Horyaalka-na Ay Dib Ula Wareegeen

Published on April 26, 2019 by   ·   No Comments

Liverpool ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Huddersfield Town oo marti u aheyd waxa ayna ugu awood sheegeteen 5 gool oo nadiif ah  xilli hogaanka horyaalka ay ku soo laabteen .

Nasiiinada ayay ugu direen sedex gool xilli goolka koowaad uu ahaa mid deg deg ah oo daqiiqaddii 1-aad ayay dhaliyeen ka dib baas uu qalday daafaca Huddersfield Town xilli goolkaas uu saxiixay Naby Keita .

Kubadda waxaa qeybtaas hore iska haystay Liverpool oo kubad deg degsiimo leh ciyaareysay waxa ayna heleen gool labaad waxaana saxiixay Mane daqiiqaddii 23-aad .

Kubadda Liverpool waxaa si weyn looga dhisayay garbaha halka qadka dhexe ay is hor taageen in weerar ay abuuraan kooxda martida ah waxaana goolka sedexaad saxiixay Salah waxa uuna ahaa mid aad u qurux badan kaasi oo yimid daqiiqaddii 45-aad

Qeybta labaad waxa ay kooxda Huddersfield Town isku dayayeen in kubadda la qeybsadaan Liverpool balse mar waliba waxaa kubadda ku badneyd Liverpool .

Isku dayo kala duwan oo ay goolasha isaga soo yareeyaan ayay sameyeen Huddersfield Town balse iyaga ayaa loogu daray gool 4-aad waxaana labeystay Mane daqiiqaddii 66-aad
Guud ahaan kooxda Huddersfield Town waxa ay ka sheeganayeen habacsanaan dhanka daafaca ah waa ayna ku adkeyd in si sax ah ugu soo dhaqaaqaan afka hore .

Dhamaadkii kooxda martida mararka qaar halis ayay u muuqdeen balse waxaa ka maqnaa caqligii looga faa`ideysan lahaa waxaana loogu daray goolka 5-aad xilli uu saxiixay goolkaas Mohamed Salah daqiiqaddii 83-aad

Si waliba ciyaarta ayaa ku dhamaatay 5 gool oo nadiifa h oo ay Liverpool ku soo ceshtat hogaanka horaaylka iyaga oo gaaray 91 dhibic halka City oo ku jirta booska labaad ay leeyihiin 89 dhibic waxa ayna kooxda martida ku istaageen 14 dhibic iyo booska ugu hooseeya waxa ayna u dhaadhaceen heerka labaad

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.