Tuesday, May 21st, 2019

DHAGEYSO Wararkii ugu Dambeeyey Shirka Garoowe iyo Qodob Lama Filaan ah oo Caqabad Noqday !

Published on May 5, 2019 by   ·   No Comments

Wada-hadallada madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada ayaa dib u billaabmay caawa kadib markii galabta qorax dhici loo hakiyey salaadda maqrib.

Wararka naga soo gaaraya kulanka ayaa sheegaya in maanta si aad ah wada-hadallada looga hadlay xiisadda ka dhex ooggan dowladda federaalka iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Sida aan xogta ku helnay, madax goboleedyada Puntland, Jubaland iyo Galmudug ayaa dalbaday in xal laga gaaro arrinta Xaaf iyo dowladda, ka hor inta aan la guda gelin qodobada kale ee horyaalla shirka.

Dalabka maamul goboleedyada ayaa lama filaan ku noqday madaxda dowladda, oo aan ku talo-galin in arrinta Xaaf ay qeyb ka noqon doonto ajandaha.

Madax goboleedyada ayaa dowladda ku eedeeyey inay dagaal ku hayso Xaaf, islamarkaana ay gabbaad u tahay gadaalna ka riixdo madaxweyne ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha baarlamanka Galmudug oo Xaaf kasoo horjeestay.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyey lacago dowladda ay ka xayirtay oo isugu jira qaar ay dowladda ku caawiso dowlad goboleedyada iyo deeqo ka yimid beesha caalamka.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda laga dalbaday inay bixiso damaanaad qaad ku aaddan xalinta arrimaha uu ka cabanayo Xaaf, ka hor inta aan shirku horey usii socon.

Ilaa iyo hadda ma cadda go’aanka laga gaaray arrinta Xaaf, hase yeeshee waxaa wararku sheegayaan inuu jiro dareen guud ee madaxda dowladda ay ku muujiyeen inay dyaar u yahay inay soo afjaraan dagaalka Xaaf.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.