Tuesday, May 21st, 2019

“Messi ayaa iga dhigay ciyaaryahan wanaagsan” – Jordi Alba

Published on May 7, 2019 by   ·   No Comments

Daafaca garabka bidix xulka qaranka Spain iyo kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa wareysi uu ku bixiyay majalada “France Football” wuxuu kaga hadlay xaalada Blaugrana ee xili ciyaareedkan.

Kooxda reer Catalonia ayaa xili ciyaareedkan qarka u saaran inay ku guuleysato saddexleyda taariikhiga ah, xili ay haatanba xaqiijisay ku guuleysiga koobka horyaalka La Liga.

Sidoo kale Barca ayaa fadhida finalka Copa del Rey oo ay kula balansan yihiin kooxda Valencia, iyagoo sidoo kale haatan hal lug kula jira finalka Champions League, kaddib markii ay guul 3-0 kaga soo gaareen Livepool kulankii lugta hore wareega afar dhamaadka ee ka dhacay garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa caawa marti ku noqon doonta garoonka Anfield, si ay kooxda Liverpool u wada ciyaaraan kulanka lugta labaad ee wareega afar dhamaadka tartanka Champions League.

Hadaba Jordi Alba ayaa kahor kulanka caawa wuxuu ka hadlay xiriirka ka dhexeeya isaga iyo Lionel Messi wuxuuna yiri:

“Aniga ahaan, Leo ma uusan isbadalin, xiriirkeena markasta waa si isku mid ah, waa wax fiican, waxaan soo wada ciyaarnay mudo dhan 7 sano, wuxuuna iga dhigay ciyaaryahan aad u fiican, Messi waa ciyaaryahanka ugu fiican aduunka”.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.