Tuesday, May 21st, 2019

Halkee ka Soo Kala Jeedaan Ciyaaryahanadii Liverpool Guusha Gaarsiiyay?

Published on May 8, 2019 by   ·   No Comments

Lugtii labaad ee ciyaartii xalay dhexmartay kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo, kadib markii Liverpool oo aanan rajo badan laga qabin ay guuleysatay.

Lugtii koowaad ee ciyaartan katirsan koobka horyaallada Yurub ee Champions league ayaa kusoo idlaatay 3 iyo eber, waxaana kooxda Liverpool ay garoonka Camp Nou ee Barcelona ka soo laabatay iyadoo faro maran.

Divock Okoth Origi ayaa labo gool u dhaliyay kooxda Liverpool, halka Georginio Wijnaldum uu sidoo kale kooxda Liverpool iyo taageerayaashooda kaga farxiyay labo goo oo kale.

Labadan ciyaartooy ayay dad badan aad u hadal hayeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama wacdaro ay ka dhigeen garoonka Anfield oo ay adkeyd in guul ay ka soo hoyaan ciyaartii dhexmartay iyaga iyo Barcelona.

Divock Origi

Divock Okoth Origi oo dhashay sanadkii 1995-kii ayaa ah ciyaartooy u dhashay dalka Belgiam-ka, balse asal ahaan ka soo jeeda Kenya.

Waxaa Origi dhalay Mike Origi, oo ah ciyaartooy hore oo u dhashay dalka Kenya, wuxuuna kooxda Liverpool kusoo biiray sannadkii 2014-kii, xiligaas oo ay kula soo wareegtay 10 milyan oo gini.

Wuxuu Liverpool uga ciyaaraa dhanka weerarka.

Divock Origi wuxuu kooxda Liverpool kusoo biiray isagopo aad u da’ yar, xiligaas oo lagu guda jiray ciyaarihii koobka adduunka ee 2014-kii ka dhacay dalka Brazil.

Inakstoo Origi uu ku dhashay magaalada Ostend, ee dalka Belgium-ka ayaa haddana qoyskiisu waxay ahaayeen qoys ka guuray Kenya.

Arnold oo ay ilmo adeer yihiin ayaa sidoo kale u dheela koox katirsan dalka Norway, waxaana isaga iyo Origi la sheegay inay kusoo barbaareen meel aad looga xiiseeyo ciyaaraha kubadda cagta.

Georginio Wijnaldum

Kooxda Liverpool ayaa Newcastle United kala soo wareegtay Wijnaldum sannadkii 2016-kii.

28 jirkan ayaa khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka qaranka ee dalka uu u dhashay ee Netherland, waxaana xili ciyaareedkii 2017-2018 uu u saftay kooxda Liverpool 50 kulan.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.