Tuesday, May 21st, 2019

DHAGEYSO:Hogaanka Kooxda Al-shabaab oo Ka Digay Daadinta Dhiiga Muslimiinta!!

Published on May 14, 2019 by   ·   No Comments

Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdiraxaman oo loo Yaqaan (Mahad Karataay) ayaa ka hadlay dagaalka Shabaab ay kaga soo horjeedaan Dowladda Soomaaliya, AMISOM, Iyo weerarkii lagu dilay Shiikh C/wali ee ka dhacay Magaaladda Gaalkacyo  ee Gobolka Mudug.

Kalimadan oo ay baahisay mu’asasada Alkataa’ib lana dhageysan karo muddo 19 ayuu Mahad Warsame Abuu C/Raxmaan kaga hadlayaa arimo dhowr ah oo ku saabsan Shabaab.

Abuu C/raxxmaan ayaa ugu horreyn bogaadinaya weerarkii Shabaab ay ka fuliyeen  magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 50 ruux oo diimo kala duwan haystay iyo weerarkii lagu khaarijiyey sheikh C.wali ee ka dhacay magaaladda Gaalkacyo.

Dhanka kale Abuu C/raxmaan ayaa si adag kaga hadlay xurmada dhiigga qofka Muslimka ah iyo halista in lagu dhiirado daadinta dhiigga Muslimiinta ee Xaaraanta ah, Isagoo Shabaab ku adkeeyey inay aad isaga ilaaliyaan daadinta dhiigga Muslimiinta.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa inta badan si macna daro ah u daadiya dhiiga dadka Muslimiinta ah, lamana oga waxa iska badalay xiligaan Hogaanka shabaab.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.