Tuesday, May 21st, 2019

DHAGEYSO:Al-shaabab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Muqdisho !!

Published on May 14, 2019 by   ·   No Comments

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii maanta lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahiyay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Xarunta Degmadda Warta-nabadda.

Al-Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay ku beegtay waqti xarunta degmada Wardhiigleey ay shir ku lahaayeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha qaabilsan amniga ayna ka arrinsanayeen sidii sare loogu qaadi lahaa howlgallada lagu beegsanayo dadka ku eedeysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa ciidamada loo yaqaan dhar cadde ee Jawaasiista ah.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 4-ruux oo shacab ahaa,waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah iyo shaqaale ka Tirsan Maamulka Degmadda Warta-nabadda.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.