Tuesday, May 21st, 2019

Gudoomiye Siid Ahmed Sheikh Muse oo War Cusub Soosaaray !!

Published on May 14, 2019 by   ·   No Comments

Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee degan xaafadaha Kampala waxaan ogeysiineynaa in tuugada soo badeyn ay u wada socdaan tiro ilaa 5 qofood ama ka badan misna wataan baangado waxay target ka saaraan Soomaalida dhowaanahaani waxay bilaabeyn in ay guryaha u dhacaan.

habeenkii axad soo galeysay waxay dhaceyn Dhowr Mobeyla Laptop yo ee xaafada Lunguja sacadu markey aheyd 03:30am xaafadaasi alaabta laga qaatay waxay ahaayeen ilaa dhowr guri.

Nasiib wanaag dadka xaafadaasi degnayeen waxay la soo xariireyn gudoomiyaha jaaliyada Mudane Siid Ahmed Sheikh Muse waxayna u sheegeyn in tuugo soo weerartay walina xaafada ay ku jiraan tuugada.

Gudoomiyaha wuxuu war geliyey ciidamada amaanka isla 20 daqiiqo gudaheyda ayey ku tageyn ciidamada xaafadaasi. xalayna waxaa loo dhacay xaafada Kabowa. sidaa ogtihiin sanadkii 2018 bilahaani oo kale tuugada waxay u dhici jireyn nteete Kabowa wakaliika iwm.

dadaal dheer ka dib jaaliyada oo kaashaneyso ciidamada amaanka way soo afjartay. F.g. qof waliba oo Soomaali ah hadii uu dhib iyo boob la kulmo ha la soo xariiro jaaliyada sida ugu dhaqsiyaha badan page ka call ayuu leeyahay oo toos ugu dhacayo taleefon number sacadey doonta ha ahaato 03:57am.

Waxaa diyaar u nahay in aan caawino qof waliba oo Soomaali ah. Fadlan dhibabka wuu soo badanayaa ee sii gaarsiiyo walaalaha kale si ay u ogaadaan. ……………….. Mahadsanidiin.

 

Waxii Faah Faahin Ah Kala Xariir

Siid Ahmed Sheikh Muse

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.