Tuesday, May 21st, 2019

Shaqaalaha Mareykanka oo lagu amray inay ka baxaan Iraq

Published on May 15, 2019 by   ·   No Comments

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa maanta ku amartay dhammaan shaqaalaheeda laga maarmi karo inay ka baxaan safaaradeeda Baghdad iyo qunsuliyadda Arbil ee dalka Iraq, xilli ay sare usii kaceyso xiisadda ka dhex oogan Mareykanka iyo Iran.

Washington ayaa maalmihii dhowaa sare u qaaday cadaadiska ay ku hayso Tehran, ayada oo Iran ku eedeysay inay qorsheeneyso weerar soo socda oo ay ka fulineyso gobolka.

“Kooxo argagixiso iyo muqaawamo oo dhowr ah ayaa ka shaqeynaya Iraq, waxayna si joogto ah u weeraraan ciidamada iyo shacabka Iraq” ayaa lagu yiri digniinta socdaal ee ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

“Maleeshiyo diimeedyada kasoo horjeeda Mareykanka ayaa sidoo kale helis gelin kara muwaadiniinta Mareykanka iyo shirkadaha reer galbeedka ee Iraq ku sugan”

Dowladda Mareykanka ayaa sanadkii tagay xirtay qunsuliyadeeda magaalada Basra oo dibadbadbaxyo xoogan ay ka dhaceen, waxayna ciidamada Iran ay taageerto ku eedeysay inay si aan toos ah usoo weerareen.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa toddobaadkii tagay booqasho aan la fileyn ku tagay magaalada Baghdad si uu u xoojiyo xiriirka Iraq, ka hor inta Mareykanka uusan Iraq saarin cadaadis xooggan.

Comments (0)




Wararka

DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo Go’aan Culus Kasoo Saaraya Dagaalka ay ku Heyso Kenya ?

May, 21, 2019
Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Xushmo.com ayaa sheegaya in Madaxda Soomaaliya ay kulan deg deg ah ka ...

DHAGEYSO:Kenya oo Ka Hadashay Sababta ay U diiday Dal Ku Galka!!

May, 21, 2019
Dowladda Kenya ayaa ka hadashay Sababta ay fiisaha dalkeeda ugu diiday 3-mas’uul oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiir ...

DHAGEYSO:Beyle oo Farriin u Diray Ganacsatada ay Hantida u Taalo Qurbaha ?

May, 21, 2019
Wasiirka Maaaliyada Soomaaliya Dr Abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda muqdisho ayaa ka warbixiyay tirakoobka ...




.