MA WUXUU HORSEEDDA MUSTAQBAL WANAAGSAN MISE LUMINTA JIRITAANKA UMADDEED?

Posted by

[ad_1]

By Dr Abdifatah Ismael Tahir  
Tuesday December 26, 2023

 Hordhac

Shirka sanadlaha
ah ee Heritage ku qabato Djibouti waxa sanadkan hadal buuq dhaliyay ka jeediyay
Ra’iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya, Mne Mahdi Guuleed. Kalmadiisu
waxay ku saabsanayd iskaashiga dalalka Geeska Afrika. Dooddiisa waxa udub
dhexaad u ahayd is la iska illaawo tagtadii, si barwaaqo loo gaadho mustabalka.
Culimada taariikhdu waxay arintan ku tilmaamaan tirtir taariikheed. Hadalkiisii
qodob qodob uga jawaabi maayo laakiin waxaan rabaa in aan dadweynaha u
iftiimiyo dhibka tirtirka taariikhdu leeyahay.

Tirtir
taariikheedka waxa lagu qeexaa ka tagidda ama qarinta ula kaca ah ee qaybo ka
mid ah sheekooyinka taariikheed ee ummadi ama bulsho leedahay.  Tusaalayaasha dunida soo maray qarniyadii
dhowaa ee ku saabsan tirtitka taariikhda waxa ka mid ah kuwii ay sameeyeen
gumeystayaashii reer Yurub, ee ay ku baabi’iyeen raadadka muhiimka ah ee
taariikhaha dadkii ay qabsadeen. Tani waxay keentay in aan si dhab ah loo
fahmin waxyeeladii iyo waayihii gumeysigu dhaxalsiiyay dhaqanka, dhaqaalaha iyo
siyaasadaha kuwii la gumeystay.

Tusaalooyinka
tirtirka taariikhdu ma aha kuwo yar. Balse, casharka guud ee laga baran karo
dhammaan dhacdooyinkan waa in tirtirka ama beddelka taariikhdu yahay tacadi
weyn oo saameyn ballaaran ku leh sida aan u fahamno nolosha, bulshada, iyo
taariikhda. Sixitaanka arrimahan oo kale waxay u baahataa dadaal aad u
ballaaran, maadaama ay tahay in la helo xogta asalka ah, la fahmo sababaha ka
dambeeya beddelka, iyo in la soo celiyo sheekada taariikhda sida ugu saxsan ee
suurtagalka ah.

Tirtirka Taarikhda iyo Anshaxa

Diinta Islaamka
waxay si weyn uga hadashaa muhiimadda in aan taariikhda laga leexin hilinkeeda
runta ah. Tani waxay si cad uga muuqataa Quraanka, halkaas oo aayado badan ay
ka hadlayaan dhacdooyin iyo shaqsiyaad raad weyn ku yeeshay taariikhda diinta
islaamka. Tusaale ahaan, Quraanku wuxuu xusayaa Abu Jahal, Waliid Bin Muqiira, iyo
Abu Lahab oo ka mid ahaa dadkii hor istaagay fidinta diinta Islaamka isla
markaana dhibaatayn jiray Nebi Muxammad (NNKH).

Waxaa xiiso leh
in carruurtii, sida wiilashooda Khalid bin Waliid iyo Cikrima bin Abu Jahal, ay
markii dambe qaateen diinta Islaamka. Waxayna akhrin jireen aayado Quraanka ka
mid ah oo si toos ah uga hadlaya aabayaashood iyo falalkoodii. Islamku ma aha
diin dhiirigelisa in taariikhda laga leexiyo ama laga tago qeybaha aan ina
farxad gelineyn; taas bedelkeeda, waxay dhiirigelisaa in si dhab ah loo waajaho
taariikhda oo dhan, iyadoo aan loo eegin inay tahay mid wanaagsan ama xun.

Sidoo kale, dhaqanka
Soomaalida waxaa si qoto dheer uga muuqata qiimaha ay u leedahay run-sheegidda
iyo daacadnimada taariikhda. Tani waxay si gaar ah uga muuqataa suugaanta
Soomaaliyeed, gaar ahaan gabayada oo lagu yaqaanaa inay yihiin habka ugu
muhiimsan ee loo gudbiyo taariikhda, dhacdooyinka, iyo arrimaha bulshada ee
Soomaalida iyada oo aan waxba laga beddelin ama la isku mulaaqin.

Gabayadu waxay ku
salaysanyihiin xeerar adag oo xagga run-sheegga ah. Tusaale ahaan, waxaa jira
in ragga qaarkood ay iska deyn jireen gabayada ilaa ay timaado dhacdo muhiim ah
oo ay ka gabayan. Halkaa waxa ka muuqata in sugaanyahannada Soomaalidu aad ugu
dadaali jireen inay si daacad ah uga warramaan dhacdooyinka iyo xaaladaha ay
arkaan xitaa haddii dhacdooyinka qaarkood ay yihiin kuwo la dhibsanayo.

Saamaynta Tirtirka Taariikhda

Waxaa xaqiiqo ah
in quruumuha jira badankoodu ku samaysmeen colaado iyo dagaalo kala duwan oo
qaarkood yihiin kuwo sokeeye qaarna lala galay shisheeye. Inta lagu jiro
colaadahaas waxa dhaca tacadiyo ama xadgudubyo loo gaysto keli keli ama wadar,
kuwaas oo qayb ka noqda dunta taariikhda dalkaas. Fikradda tirtirka
dhacdooyinka iyo sheekooyinka taariikhda noocaas ah ma aha oo kaliya mid
waxyeello u geysaneysa hufnaanta diiwaanka taariikhda dalka, laakiin sidoo kale
ma aha waddo lagu gaadho badhaadhe ama deris wanaag.

Taa caksigeeda,
tirtirka taariikhdu waxay khatar gelin kartaa geeddi-socodka barashada
qaladaadkii hore, kobcinta fahamka, iyo aasaaska dhismaha dib-u-heshiisiinta
iyo iskaashiga mustaqbalka. Bulshooyinka dimoqraadiga ah, waxaa taariikhda loo
sheegaa sida ay u dhacday, iyadoo xoogga la saarayo dabeecadaha kala duwan ee
dhacdooyinkaas. Tan waxa tusaale u ah xiriirka ka dhexeeya Jarmalka iyo
Faransiiska.

Inkastoo ay
leeyihiin taariikh murugsan oo colaado ka buuxaan haba ugu danbeeyaan kuwii
DD2, waxay ka run sheegaan taariikhdooda, taasoo horseeday xiriir ku dhisan
faham wadaag, ixtiraam, iyo iskaashi. Taas waxa lagu gaadhay aaminsanaanta ah
in aqoonsiga iyo barashada taariikhda ay muhiim u tahay dhismaha nabad waarta
iyo xiriir wanaagsan. Taariikhdu badanaa waxay u adeegtaa keyd aqooneed iyo
waayo-aragnimo, iyadoo bixisa casharro qiimo u leh jiilalka hadda jira iyo kuwa
mustaqbalka.

Marka qaybo ka
mid ah taariikhda la tirtiro, waxay xadideysaa fahamkeenna ku aadan jiritaanka
dalkeena. Sida dalal badan oo kale, taariikhdeenna waxaa ka buuxa dhacdooyin
aan ina raali gelin ama deriskeena raali gelin. Dhacdooyinkan taariikheed, in
kasta oo ay adag yihiin, waa muhiim in la fahmo. Fikradda ah in la tirtiro
taariikhdan waxay meesha ka saaraysaa saameynta weyn ee ay wacyiga taariikhdu
ku leedahay go’aamada iyo siyaasadaha maanta.

Dhigaalka
taariikhda, oo ay ku jiraan kuwa xanuunka badan, waa tallaabo muhiim u ah
mustaqbalka sababtoo ah waxay u suuro gelin doontaa jiilalka inaga danbeeya in
ay si cad u fahmaan taariikhdooda hore, iyagoo wax ka baranaya si ay u dhisaan
waaqic ka duwan kii dhaliyay xaaladaha adag ee taariikhda ku jira.

Soo-celinta Taariikhaha la Tirtirey

Iska daa in la
tirtiro taariikhdii hadda jirta’e, in badan oo ka mid ah dunidu waxa ka socda dadaalo
ballaaran oo lagu ku bixinayo sidii dib loogu soo celin lahaa diiwaanno
taariikheed oo hore loo tirtirey. Dhaqdhaqaaqyadan waxaa tusaale u ah dalal ay
ka mid yihiin Koonfur Afrika iyo Mareykanka. Dedaalada Koonfur Afrika waxay ka
tarjumayaa waxtarka ballaaran ku jira xasuusta xanuunkii hore, ilaalinta
xusuusta xanuunkaas, iyo abuurista dhaqan daahfuran.

Sidoo kale,
Mareykanka waxa ka jira geedi socod dib loogu qiimeynayo sheekooyinkiisa
taariikhiga ah, gaar ahaan daaweynta dhaxalka qabsashada quruumaha. Mid ka mid
ah hababka ay dalalkaasi isticmaalayaan waa dib-u-eegista manhajka waxbarashada
si loogu daro sheekooyin taariikhi ah oo hore uga manaa. Tan waxa ka mid ah
baridda iyo kobcinta xirfadaha naqdiga oo awood u siinaya ardayda inay su’aal
geliyaan eexda ku jirta sheekooyinka qaarkood.

Teena haddaan u
soo noqdo, taariikhda Ahmed Gurey iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (Sayidka),
labadaas hogaamiye oo kaalin weyn ka qaatay taariikhda Soomaalida iyo guud
ahaan Geeska Afrika, waxay u baahan yihiin in si qoto dheer loo daraaseeyo oo
loo fahmo. Afka may ahayn in la soo mariyo in laga tago, hoos loo dhigo ama la
iska indho tiro doorka iyo saameynta taariikhdooda. Taa caksigeeda, waxa waajib
ah in in si dhab ah loo darso, loo qiimeeyo, loona faafiyo taariikhda iyo
dhaxalka ay ka tageen labadan hogaamiye.

Tani waxay gacan
ka geysanaysaa in bulshada Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kaleba ay fahmaan
qiimaha iyo saameynta taariikhda Soomaaliyeed ay ku leedahay Afrika iyo
adduunkaba.

Caddaaladda iyo Tirtirka Taariikhda

Tirtirka
xaqiiqooyinka taariikhda waa nooc ka mid ah cadaalad-darrooyinka waaweyn. Waxay
waxyeelleynaysaa xuquuqda bulshadu ay u leeyihiin inay helaan taariikhdooda oo
dhab ah. Tirtirka taariikhdu waxay horseedaa dheelitir la’aan awooddeed iyo
sinaan la’aan. Tani waa mid gaar muhiim ugu ah dadka Soomaaliyeed ee ku nool
Itoobiya iyo Kenya, sababtoo ah waxay waxyeeleysa tixgelinta halgankooda ka
dhanka ahaa dowladaha hadda ay qaybta ka yihiin.

Gobolka Soomaalida
Ethiopia wuxuu ahaa goob dagaal iyo dhibaato muddo dheer socotay. Intii lagu
jiray xilliyadii WSLF iyo kadib ONLF, gobolku wuxuu hoy u ahaa jabhado hubaysan
oo la diriraya dawlada Ethiopia. Jawaabta dowladda Itoobiya ee dhaqdhaqaaqyadan
badanaa waxaa ku jiray hawl-galo foolxun. Hawlgaladaasi waxay sababeen dilal
aan loo aabo yeelin, barakicin, burburinta ilo dhaqaale iyo tirtir dhaqan.

Sidoo kale Soomaalida
gobolka waqooyi bari ee Kenya waxay la kulmeen cabudhin ba’an intii lagu jiray
dagaalkii ka dhashay rabitaanka bulshada oo ahaa in ay la middoobaan ehelkooda
Soomaaliya. Jawaabta dowladda Kenya waxay ahayd mid naxariis darro ah, oo ay ku
jiraan xasuuqyo, gubidda tuulooyin, iyo cabudhin nidaamsan. Dhaxalka falalkan
wali wuxuu saameyn ku leeyahay bulshada, iyadoo arrimaha faquuqinta iyo shakiga
ay sii socdaan.

Wax ka qabashada
cadaalad-darradan waxay u baahan tahay hab dhammaystiran oo ay ku jiraan
aqoonsiga dhacdooyinkan, fahamka saameyntooda, iyo bixinta magdhow ku habboon.
In la tirtiro qaar ka mid ah arigtiyihii daraadood loo dhibaateeyay waxa wiiqeysaa
raadinta xuquuqda ka maqan. In kasta oo Soomaaliya ay tahay dal madax banaan,
haddana taariikhda dugsiyadeeda lagu dhigo ee ay ka mid yihiin Sayid Maxamed
Cabdulle Xasan iyo Axmed Gurey waxa miskaha uga xidhantay taariikhda Soomaalida
walaaleheen ah ee qalinka gumeysigu raacsiiyay dalalka jaarka ah.

Ma jirto hadda
dawlad Soomaaliyeed ama haldoor Soomaaliyeed oo ku hawlan in collaad lala gallo
dalalka jaarka ah. Laakiin taa macneheedu maaha in taariikda qaar la tirtiro,
la qariyo ama hoos loo dhigo. Tagtadii tagtay waana tagtay eelna waa ka tagtay.
Sheyga muhiimka ah waa in cadaalad waarta laga dhaliyo taariikhda halkii laga
tirtiri lahaa.

Qayb muhiim ah oo
ka mid ah caddaalad ka dhalinta taariikhda waa aqoonsiga wixii dhacay.
Aqoonsigu waa tallaabo muhiim ah oo loo qaado dhanka bogsashada iyo
dib-u-heshiisiinta, maadaama uu diiwaan geliyo waaya’aragnimada dhibbanayaasha
isla markaana uu muujiyo ballanqaad loo hayo in la saxo xadgudubyada. Qayb kale
waa magdhow. Tani waxay qaadan kartaa qaabab kala duwan, oo ay ku jiraan
magdhow dhaqaale, soo celinta hanti, ama magdhowyo kale oo maadi ah.

Aasaasidda
taallooyin, matxafyo, ama munaasabadaha xuska waxay gacan ka gaystaan in la
xasuusto dhibbanayaasha oo kor loo qaado wacyiga ku saabsan cadaalad-darradii
dhacday. Tani ma aha oo kaliya inay naruuro u tahay kuwii dhibaatada soo
gaartay laakiin sidoo kale waxay waxbaraysaa jiilalka mustaqbalka, iyadoo gacan
ka geysanaysa xusuusta wadajirka ah ee looga hortagi karo in mar kale la soo
celiyo dhacdooyinka noocaas ah.

Abuurista guddiyo
ama hay’ado kale oo loo xilsaaray baaritaanka iyo diiwaangelinta xaqiiqooyinka
ku saabsan cadaalad-darrada hore ayaa iyana muhiim ah. Ururinta markhaatiyaasha
dhibbanayaasha iyo kuwa dhibka geystayba waxay ka caawisaa in la abuuro faham
ballaaran oo faahfaahsan oo ku saabsan waxa dhacay, sababta, iyo sida ay u
saameysay shaqsiyaadka iyo bulshooyinka.

Gunaanad

Taariikhda, oo
leh dhammaan faahfaahinteeda guulaha iyo dhibaatooyinka, waxay asaas u tahay
qiimaha qaranka.  In hal-doorka dalkeenna
ay u ol’oleeyaan tirtirka taariikhda qaranka si ay u raalli geliyaan dalalka
deriska ah waa arrin dhalinaysa su’aalo muhiim ah waxaana loo arki karaa inay
tahay khiyaano ka dhan ah qaranka. Falalka noocan oo kale ah ma aha oo kaliya
inay qalloociyaan taariikhda laakiin sidoo kale waxay ka hor istaagayaan
jiilalka mustaqbalka fursadda ay ka heli karaan inay wax ka bartaan
taariikhdooda oo sax ah.

Saxnaanta
taariikhdu waa muhiim, maadaama ay bixiso casharro lagama maarmaan u ah go’aan
qaadashada iyo horumarka bulshada. Caadi ahaan, hal-doorka waxay saameyn weyn
ku leeyihiin aragtida dadweynaha iyo samaynta siyaasadaha. Haddii ay u
ololeeyaan tirtirka taariikhda, waxaa loo arki karaa inay tahay isticmaal awooddeed
oo khaldan. Arrintani waxay gaar ahaan walwal leedahay haddii ujeeddadu tahay
in la gaaro yoolal gaaban halkii laga eegi lahaa danaha fog ee qaranka.

Hal-doorka waxay
mas’uuliyadi ka saarantay inay ilaaliyaan taariikhda qarankooda, xitaa marka ay
tahay inay maareeyaan xaalado diblomaasiyadeed oo adag. Marka laga hadlayo
xidhiidhada caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, in kasta oo ay muhiim tahay in la
ilaaliyo saaxiibtinimada iyo iskaashiga dalalka deriska ah, tani waa inaysan
horseedin in la baabi’iyo taariikhda qaranka. Xidhiidhada diblomaasiyadeed
waxaa lagu maamuli karaa oo lagu hagi karaa habab ixtiraamaya xaqiiqooyinka
taariikhda ee dhinacyada oo dhan.

Qore: Dr Abdifatah Ismael Tahir waa cilmi baadhe wax ka qora arimaha
siyaasada iyo horumarinta magaalooyinka Geeska Africa. Sidoo kale waa la taliye
(consultant) madax banaan oo hay’ado kala duwan kala taliya arimaha
horumarinta. Waxa lagala xiriiri karaa emailka ah: [email protected]
ama barta twitterka ee: @AbdifatahTahir

[ad_2]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *