Heshiis-ku-sheegga xadgudubka ah ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland!

Posted by

[ad_1]

By Dr. Abukar Warsame 
Wednesday January 10, 2024

 

Afeef: Qoraalkan gaaban ee
baraarujinta ah waxaan diyaariyey inta uusan Madaxweye Xasan Sh. Maxamuud
saxiixa ku duugin sharciga wax kama jiraanka ka dhigaya wixii ay Itoobiya iyo
Somaliland ku sheegeen heshiis is-af-garad. Waa tallaabo in loo hambalyeeyo mudan
oo aan is leeyahay inay hordhac fiican u tahay hibo-tusaaleynta qoraalkeygan
xambaarsan yahay!

Soomaalida
badankeeda waxey ka dheregsan tahay dhibkii iyo daqarraddii dhinacyada badan
taabaneyey ee uu noo geystey heshiiskii is-af-garad (MoU) ee muranka geliyey
badda Soomaaliya iyo dacwadii aan geyney maxkamadda adduunka ee ICJ taasoo ugu
dambeyntii noo xukuntay baddeenna inteedii badneyd. Waxaan kaloo u soo taagneyn
markii lakala saxiixday heshiisyo la xiriira dekedaheenna qaarkood sida tan
Berbera.

Maalintii
u horreysey ee sannadkan cusub 2024 waxey bulshada Soomaaliyeed kula kowsatay
heshiis ku sheeg is-afgarad ah (MoU) oo ay kala saxiixanayaan ra’iisul
wasaaraha dawladda Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Somaliland. Muuqaalka la
baahiyey ee masraxa lagu jilayey heshiis-ku-sheeggaas waxaa ka muuqda Muuse
Biixi oo uu ku hadaaqaya in ay Itoobiya la galeen heshiis ah iney dhul xeebeed
dhan 20KM ay siiyeen Itoobiya (iyadoo haddana la dul saaray cod ah ka
kireynney) islamarkaasna Itoobiya ay aqoonsaneyso Somaliland iyadoo Abiy Ahmed
oo dhinac fadhiyeyna u sacabo tumay. Ka dib waxaa Abiy Ahmed uu gacanta horey
ugu sii qaatay malaf kolleyba wixii ku qornnaa aannan garaneyn inuu ka duwan
yahay ama la mid yahay mid ka soo baxay dawladda Itoobiya oo lagu sheegay inuu
yahay wixii la isku af-gartay.

Heshiis-ku-sheegga
”A Memorandum of Understanding (MOU) for Partnership and Cooperation between
the Federal Republic of Ethiopia and Somaliland” ayaa wuxuu ka koobnaa ilaa lix
iyo toban waaxood (paragraphs) oo aan is tusay bal inaan diiradda ku saaro
maxey tahay farriinta uu gudbinayey iyo maxaa nala gudboon inaan ka baranno.
Su’aasha mudan in la is weydiiyaa waa ”Maxaan ka baran karnaa
heshiis-ku-sheegga xadgudubka ah ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee aynnaan
ka baran kii badda ee aan horey ugu simbiriiraxannay iyo kuwa la midka ah?”

Bal
waa tan qiimeeynteydii oo ka kooban saddex qeybood iyo gunnaanadkeeda ee
akhristow bal adna inta qalbi furan oo aan caadifeysneyn ku ahkrisid wixii aan
ka il-duufay ama iga dahsoon ku darso.

Qaybta Laab-salaaxa:

Saddexda
waaxood (paragraphs) ee ugu horeysa qoraalka waxay u muuqdaan in ay Itoobiya
ugu talagashay laab-salaax ku wajahan Somaliland oo ay ku muujineyso waxa ay is
leedahay dhegaha Muuse Bixi iyo inta ku fikirka ahba ayey si sahal ugu
duxayaan. Waxey ku sheegeen wixii inta Somaliland goosasheeda ku hammineysa ay
ku hadaaqi jireen balse sadarrada aan is leeyahay wey mudan yihiin in la
iftiimiyo waa:

1)   
In ay Itoobiya midowgii labada gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta
Soomaaliyeed quursi dartiis ay ku tilmaanto mid dhexmaray Somaliland iyo
Mogadishu  – ma ahan Koonfur ama dhulkii
Talyaaniga xornimada ka qaatay!

2)   
In ay Itoobiya ka furnaanshaha xafiiskeeda (Consular Office) ee
Hargeysa u muujiso mid ka tarjumaya in ay Somaliland tahay dal heshiisyo
caalami ah sida kan dekeddaha oo kale geli karta. Qodobkani wuxuu muujineyaa
kharta ku geedaaman xafiisyada xiriirka dibedda u qaabilsan ee dawladaha
deriskeenna ah sida Itoobiya iyo Kenya ay ka furteen ama rabaan iney ka furtaan
maamul-goboleedyada iyo maamulka Somaliland.

3)   
In Itoobiya ay il-duufkaagii hore ee aad ku dhayalsatay heshiiskii
DP World ee Imaaraadku iyo Itoobiya ku galeen dekedda Berbera uu gundhig u
noqdo midka xaaraanta ah ee ay maanta ku hammineyso. Saw xaalku ma ahan haddii
aad dammane aheyd oo aan shalay aamus ku qaatay dekeddaas maxaa diidaya inaan
mid kale iyo wixii aan u muuhannoodaba markaan doono midigta ku dhigo?

Qaybta Laacdanka iyo Laqdamada isku
lammaansan:

Qaybtan
oo ka kooban ilaa afar waaxood (paragraphs) waxey ka hadleysaa baahideeda soo
jireenka ah ee ay u qabtay iney hesho bad ay iyadu si gaar ah u leedahay oo u
madax-bannaan tahay dhan ganacsi iyo mid ciidanba kadib markii ay ku dekedo
weydey dagaalkii ay la gashay Ereteriya. 
Waxey koobeysaa laacdankaas iyo loollanka ay u gashay sidii ay uga jibo
keeni laheyd riyaadaas muddada dheer ay ku hawlanneyd taasoo ay sheegtay in
shantii sano ee ugu dambeysey ay u gashay dadaal dheeri ah una horseedday in
dhawrkii bilood ee u dambeeyey miro dhal noqdaan wada-hadalladii iyo
laab-salaaxii Somaliland muddadaas ku socday! Waa qaybtan meesha ay ku
sheegeyso in ay laacdankii bad-mareenka ay ku guuleysateen oo ay Somaliland la
gashay Heshiis is af-garad (MoU) oo dhigaya helitaanka marin-badeed laga
kireeyey Itoobiya oo uga beddelenaysa Somaliland iney hesho qoondo kiro ah oo
shirkadda Ethopian Airlines oo u dhiganata dhul-badeedka laga kireeyey
Itoobiya.

Inkastoo
heshiis ku sheeggan uusan taageero sharciyad iyo mid shacbiba uusan Soomaaliya
oo dhan ka heysan iyo beesha caalamka badankeed, waa isla qaybtan midda
muujineysa laqdamada iyo luggooyada ku dhacday Muuse Biixi oo aanan anigu
garaneyn wixii uu meesha ka ahrineyey ee uu yiri waan saxiixey in ay ka duwan
yihiin ama la mid yihiin waxa ku qoran qoraalka ay dawladda Itoobiya soo
bandhigtay waayo dhawrkaan arrimmod ee soo socdaba waxey tilmaamayaan in waxa
meesha ku qoran aan wax kala beddelesho lagu tilmaami karin oo aysan sinnaba u
buuxin karin xeerarka iyo habraacyada heshiis wax kala beddelasho hantiyeed.

     
Waa in waxa la kala beddelanayaa ay cad yihiin oo qiimahooda iyo
qaddarka lagu kala beddelanayo la ogyahay. Lugahaya
ayaa maalmahan la sheegay balse dhulka la xiriira ilaa xadka Itoobiya ee lagu
darsaday waa laga meereystey in afka lagu ballaariyo!

     
Waa in aysan jirin culeys ama cadaadis keeni kara in qiimaha xaqa
ah laga leexdo oo wax kala gadashadu noqotaa mid daahfuran oo isu dheellitiran
(arms length). Laab-salaaxa aan kor ku soo sheegay iyo in Somaliland aan la
aqoonsaneyn oo aysan buuxin karinba xeerka wax kala beddeleshada xorta ah ee
isu dheellitiran ayaaba burineysa waxa ay Itoobiya soo xar-xarriiqatay ee
Muusana saxiixeeda isku miidaamiyey.

     
Waa in qiimeeyn waafi ah lagu sameeyo waxa la isku beddelanayo oo ay
isu dhigmaan. baddeenna (hanti ma guurto ah) iyo qoondo shirkad ganacsi (hanti
guurto) ah oo berriba suuqa ka bixi karta taasoo lagu kaabay hawo-been iyo
rajo-gelin ah waxaan dib-u-eegis qoto dheer ku sameyn doonnaa mawqifgkayaga ku
aaddan aqoonsiga gooni-isu-taagga Somaliland (speculative value) kala
beddelashadoodu waa dahab ku beddelo
dambas
!

Qeybta loolanka iska fududee:

Qaybtan
waxey ka kooban tahay ilaa afar waaxood oo u muuqata in ay dawladda Itoobiya
kula hadleyso dadkeeda oo ay rabto iney u muujiso iney guul taariikhi ah iyo
riyo-maalmeed ay muddo ku taamayeen u soo hoyatay oo heshiiskani u horseedi
doono iney ka baxaan go’doonkii badda oo barwaaqo gaari doonaan. Waxey kaloo
qaybtani isku dayeysaa iney mideyso qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya oo ay
meel iska dhigaan wixii dhexdooda ah ee ay kala tirsanayaa oo ay u jiheystaan
sidii ugu faa’ideysan lahaayeen badda iyo dhulka Soomaaliyeed ee boobka iyo
heshiis-ku-sheegga xaaraanta ah ku hantiyo doonaan balse ilaahey idinkiis ay ku
hungoobeen. Mar haddii kii baddaada, berrigaaga, iyo hawadaada duullaanka ku
ahaa uu dadkiisa ku dhiirri-gelinayo iney boobkaas qaawan isku garbsadaan sidee
uga guuleysan kartaa ama isaga difaaci kartaa adigoo aan mideysaneyn?

Tuug waxaa ugu nasiib darran midka
og in wixii uu soo xaday ama rabay inuu xado inuusan calfaneyn ama ku
guuleysaneyn!
Sadarro ka mid ah qaybtani
waxay  ku tusineysa in Itoobiya aysan
kalsooni ku qabin waxa ay soo xar-xariiqeen u hirgeli doono marka ay
qoraalkooda ku qireen in waxaan laga hor imaanayo ”it cannot be said that some will not be offended, shocked and refrain from
attempting to destroy the positive progress.”

Gunnaanad:

Sida
ka muuqata cinwaanka qoraalkeygan waxaan tuhunsan ahay in aannan wax ka baran
daqarradii iyo dibirtii naga soo gaartay heshiiiska is-afgaradka badda ee aan
la galnnay Kenya.

     
Waxaan is lahaa wuxuu keeni doonaa feejignaan iyo inaan la
dhayalsan waxaan madax-ku-sheeg iyo maamul-goboleedyada ay maalin walba
waddamada danaha gurracan naga leh la hoos ordaayaan sida kan DP World iyo kuwa
kale ee lala galay Imaaraad, Itoobiya, iwm.

     
Waxaan is lahaa waxaad hesheen baarlamaan u heellan ilaalinta
xuduudaha, midnimada, iyo madaxbannanida Soomaaliyeed oo sixi doona dayaca ku
jira dastuurka oo soo ceshan doona awoodda iyo wax kasta oo wax ka beddelaya
xuduudda qarankeenna.

     
Waxaan is lahaa dawladdeenna markii uu soo gaaray xanta ah in
Muuse Biixi uu heshiiska noocaan ah u tegayo Addis-Ababa, waxey qaadi doontaa
tallaabo ka hor tag ah (pre-empty strike) oo muujineysa inaan ku foojigan nahay
damac kasta oo ku wajahan baddeenna. Muuse Biixi ayaa ka dhaartay inuu jiro
heshiis noocaas inuu soo saxiixayo waana ku qanacannay kama muuqato biseyl
siyaasadeed iyo masuuliyaddii madaxda qaranka loo igmaday.

Waxaan ku soo gunnaandayaa qoraalkeyga inaan gacmaha is
qabsanno dawlad iyo dadweynaba waayo ummad kasta waxaa lagu qiimeeyaa sida ay
ugu guntato ugana guuleysato caqabadaha soo foodsaara ee dabiiciga ah iyo kuwa
aan dabiiciga aheyn sida middaan oo kale ee midnimadeenna iyo wadajirkeenna wax
u dhimaya. Madaxdeenna iyo dawladdeenna aan ku garab siinno go’aannada togan ee
lagu difaacayo baddeenna, xuduudaheenna, iyo ilaalinta midnamadeenna.

Qalinkii:
Dr. Abukar Warsame 
[email protected]

[ad_2]

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *